Guddoomiyaha G/Banaadir oo si diiran loogu soo dhoweeyay Magaalada Dhuusamareeb [Sawirro]

Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Guddoomiyaha gobalka Banaadir, ahna duqa Muqdisho Thaabit Cabdi Maxamed iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa si diira loogu soo dhoweeyay magaalada Dhuusamarreeb ee xarrunta maamulka Galmudug.

Wafdiga Guddoomiye Taabit waxaa soo dhaweyntiisa horkacayay madaxa golaha xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir oo ah markii ugu horeysay ee uu garooonka Dhuusamareen soo dhoweyn u tago.

Soo dhoweynta ayaa ahayd mid heer sare ah, waxaana garoonka ku sugnaa madaxda maamulka Gobollada Dhexe, xildhibaanno, mas’uuliyiin iyo dadweyne fara badan. Waxaa magaalada buux dhaafiyay marti sharaf iyo wufuud kala duwan oo u halkaas u tegaya xafladda midowga Ahlu suna iyo Galmudug.