Guddoomiyaha GEDO oo tallaabo culus qaaday kaddib safarkii Janan iyo Fartaag

Garbahaarey (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Gedo, Axmed Buulle Gareed (Canjeex) ayaa maanta qaaday tallaabo culus oo deg-deg ah, taas oo uga sii dari karta xiisadda ka taagan gobolkaas ee ka dhalatay booqashadii ay shalay ku gaareen wasiirkii hore ee amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan iyo Senator Cabdullaahi Fartaag

Cajneex ayaa xil ka qaadis ku sameeyay maareeyayaasha garoomada diyaaradaha ee degmooyinka kala ah Doolow, Luuq iyo Baardheere isaga oo magacaabay kuwo cusub.

Mahad Carab Qeys oo ahaa maareeyihii hore ee garoonka diyaaradaha degmada Doolow ayaa waxaa lagu beddalay Diiriye Garane Xasan sida lagu sheegay wareegtada soo baxday.

Sidoo kale Saajin Dhaqane oo ahaa maareeyaha garoonka degmada Luuq ayaa waxaa isaguna lagu beddalay Maxamed Qorane Cumar oo loo yaqaano (Dhabarey).

Jaamac Cali Cabdi ayaa waxaa isna lagu beddalay Cismaan Daahir Cabdulle (Qooryarey) oo noqonayo maareeyaha cusub ee garoonka diyaaradaha degmada Baardheere.

Xil ka qaadista mas’uuliyiintan oo ku soo aaday, xilli xasaasi ah ayaa waxaa loo sababeeyay inay keentay baahi loo qabo isbeddal lagu sameeyo mareeyayaasha saddexdaas degmo, si loo helo dayactir iyo horumarin lagu sameeyo garoomadaas oo muhiim u ah gobolka Gedo.

Laamaha ammaanka ayaa sidoo kale la faray inay la shaqeeyaan maareeyayaasha cusub ee maanta loo magacaabay garoomada Doolow, Luuq iyo Baardheere ee gobolka Gedo.

Tallaabadan ayaa la rumeysan yahay in ay billow cusub u tahay dagaal siyaasadeed oo markale ka qarxa gobolka Gedo, kaas oo ku soo beegmay, kadib booqashadii Janan iyo Fartaag oo dhinaca Mandheera kasoo galay Gedo, waxaana is hortaag ku sameeyay mas’uuliyiinta Gedo, walow mar dambe lagu qanciyay in wafdigan uu tego degmada Dolow.