Xildhibaanada kasoo jeeda K/Galbeed oo ka horyimid muddo kororsiga Laftagareen

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah xildhibaanada Baaralamaanka Federalka Soomaaliya ee ay deegaan doorashadoodu tahay koonfur Galbeed ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee maamulkaasi, gaar ahaan arrimaha doorashada iyo muranka hareeyay.

Xildhibaanadan oo gaaraya illaa 13 Mudane ayaa marka hore kasoo horjeestay muddo kordhinta halka sano ah ee loo sameeyay madaxweyne Cabdicasiis Lafta-Gareen.

Saadiq Cabdullaahi Cabdi oo kamid ah xildhibaanada kasoo jeeda Koonfur Galbeed ayaa BBC-da u sharraxay bayaanka ay soo saareen iyo ujeedka ay ka leeyihiin.

Xildhibaanka ayaa shaaca ka qaaday in madaxweynaha uu muddo xileedkiisu ka harsan yahay maalmo, islamarkaana ay ka murugsan yihiin mustaqbalka Koonfur Galbeed.

“Warqadda aanu soo saarneyn waxay xambaarsan tahay walaaca xaaladda siyaasadeed iyo midda doorasho ee maamulka Koonfur Galbeed oo wakhtigan xaadirka ah aad u kacsan maadama Madaxweynaha xilka kasii degayo uu muddo xileedkiisa maalmo yar uga harsan yihiin” ayuu yiri xildhibaankan oo kamid ah xubnaha kasoo horjeeda muddo kororsiga.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray inay doonayaan in doorashada waqtigeeda lagu qabto, islamarkaana aysan raalli ka aheydn muddo kororsiga loo sameeyay madaxweynaha

“Waxaan ku baaqeynaa in doorashada ay xilliggeedii dhacdo wax ku darsi ah aanu raalli ka aheyn ” ayuu sii raaciyay xildhibaanku.

Koonfur Galbeed ayaa wajaheysa xaalad cakiran oo siyaasadeed, mana muuqato diyaar garow uu hadda maamulka ugu jiro qabashada doorashada, lamana oga sida ay wax noqon doonaan balse waxaa haatan rajo weyn laga qabaa shirka dib u heshiisinta ee uu qabanayo guddoomiyaha Golaha Shacabka Aadan Madoobe, kaasi oo looga hadlay xaaladda taagan.