Muxuu yahay iskaashiga cusub ee Mareykanka uu la sameynayo Somaliland?

Hargeysa (Caasimada Online) – Somaliland ayaa war cusub kasoo saartay xiriirka diblumaasiyadeed ee haatan kala dhaxeeya dowladda Mareykanka, ayada oo shaaca ka qaaday inuu sii kobcayo, islamarkaana hormar laga sameeyay sanadihii la soo dhaafay.

Madaxweyne Muuse Biixi oo warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa khudbaddiisa ku soo hadal qaaday xiriirka iskaashi ee Mareykanka iyo Somaliland.

Biixi ayaa ku faanay in Somaliland ay haatan meel fiican ka mareyso caalamka, islamarkaana ay hormariyeen siyaasaddooda arrimaha dibadda, sida uu ku dooday.

Sidoo kale wuxuu sheegay in labada Aqal ee Mareykanka ay ansixiyeen iskaashi amni oo dhex-maraya Somaliland iyo Mareykanka, sida uu hadalka u dhigay.

“Maanta Somaliland caalamka meel fiican ayey ka mareysaa waxaad ogtihiin in labada aqal ee Mareykanka ay baas gareeyeen in dowladda Mareykan ay ku qasbeen inay la yeelato xiriir diblumaasiyadeed & mid amaan Somaliland,’ ayuu yiri madaxweyne Miise Bixii.

Waxa kale oo uu xusay inay u mahad-celinayaan xildhibaanada ka shaqeeyay arrintaasi, ayna filayaan in madaxweynaha uu dhaqan-geliyo go’aankaasi.

“Waxaan uga mahad naqeynaa xildhibaanada gole ahaan ee hirgeliyay dhowaana insha allaah aan fileyno in madaxweynuhu saxiixo,” ayuu markale yiri Muuse Biixi Cabdi.

Ma cadda qaabka uu Mareykanka iskaashi amni ula sameynayo Somaliland, ayada oo xiriir wanaagsan uu la leeyahay Soomaaliya, islamarkaana ay ciidamo ka joogaan gudaha dalka, kuwaas oo tababar siiya ciidanka sida gaarka u tababaran ee Kumaandooska Danab.

Si kastaba, madaxweynaha Somaliland ayaa horey u booqday Mareykanka, isaga oo lasoo kulmay mas’uuliyiin ka tirsan dalkaasi, walow uusan ka helin soo dhoweyn aad u sarreysa.