500,000 oo Soomaaliya ku nool oo loogu deeqay lacag $70 milyan oo dollar ah

Washington (Caasimada Online) – Bankiga Adduunka ayaa sheegay inuu ansixiyay lacag dhan $70 milyan oo lagu  horumarinayo adeegyada biyo joogto ah, beeraha, iyo deegaanka ee bulshooyinka reer miyiga ah ee ku nool dhulka qalalalan ee Soomaaliya. 

Mashruuca Biyaha Miyiga Soomaaliya oo loo yaqaan “Barwaaqo” laguna dhisayo mashruuca Biyoole ayaa ku soo beegmaya xilli xasaasi ah oo Soomaaliya ay wajaheyso abaaro aan horay loo arag, islamarkaana ay ka sii dareyso cunno yarida ka jirta qeybo ka mid ah dalka. 

Chantal Richey oo Bankiga Adduunka u qaabilsan biyo-bixinta ayaa sheegtay in Mashruuca Barwaaqo uu isku dari doono la qabsiga isbeddelka cimilada iyo tallaabooyinka lagu yareynayo, islamarkaana uu taageerayo xoojinta maareynta kheyraadka dabiiciga ah. 

“Tani waxaa ka mid ah keydinta biyaha, ilaalinta ciidda, dhiraynta, iyo dib u soo celinta seeraha baraha biyaha kasoo burqamaan si tartiib tartiib ah looga dhigo dhul cagaaran,” ayey tiri Richey.  

Bankiga Adduunka ayaa sheegay in mashruucan lagu ballaarin doono adeegyada Somaliland, Puntland, Galmudug, iyo Koonfur Galbeed, iyadoo lagu kordhin doono laba dowlad goboleed oo dheeri ah oo kala ah, HirShabeelle iyo Jubbaland, kuwaas oo mashruuca diiradda lagu saari doono deegaannada ka fog fatahaadaha ee webiyada Shabeelle iyo Jubba. 

Bankiga Adduubnka ayaa sheegay in mashruucani uu biyo siin doono 500,000 oo qof, oo u dhiganta ku dhawaad 15 boqolkiiba dadka reer miyiga ah, kuwaas oo hadda hela adeegyo kooban iyo biyo aan nadiif aheyn. 

Kristina Svensson, oo ah agaasimaha Bankiga Adduunka ee Soomaaliya, ayaa sheegtay in mashruuca Barwaaqo uu ka taageerayo bulshada si ay u dhistaan adkeysi iyo la qabsiga isbeddelka cimilada iyada oo la horumarinayo helitaanka kheyraadka biyaha ee dhulka qalalan.

Bankiga Adduunka ayaa sheegay in caqabadaha deegaanka, oo ay uga sii dartay isbeddelka cimilada sannadihii la soo dhaafay, ay horseedeen xaalufinta in ka badan rubuc ka mid ah dhulka Soomaaliya, taas oo ay weheliso xaalufka iyo luminta ciidda, oo halis gelisay hab nololeedka reer miyiga.