25 C
Mogadishu
Monday, June 30, 2025

Guddoomiyayaasha degmooyinka gobolka Banaadir oo u shiraaya Taabid

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Xarunta weyn ee maamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegaya in halkaasi ay isku uruursanayaan Guddoomiyayaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Wararku waxa ay sheegayaan in Guddoomiyayaasha aya ka arinsanayaan sida ay uga mid noqon lahaayen Guddoomiyayaasha Cusub ee uu magacaabi doono Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Taabid Cabdi.

Guddoomiyayaasha qaar waxa ay rajo ka muujinayaan dib usoo laabashadooda, halka qaarna ay yihiin kuwo marti u ah walaac ku aadan inaan dib loo magacaabi doonin.

Guddoomiyayaasha qaar ayaa sidoo kale durba bilaabay xiriiro u muuqda mid loogu hambalyeynaayo Guddoomiyaha cusub, taa oo ka dhigan isbarasho cusub oo si dadban loola sameynaayo Guddoomiyaha cusub.

Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir Taabid ayaa isagu wata shaqsiyaad gaara oo ka tirsan Kooxda Damul-Jadiid, kuwaa oo la sheegay inay kamid noqon doonaan Guddoomiyayaasha Degmooyinka.

Isbedelka lagu sameeyay Maamulka Gobolka Banaadir ayaa saameyn adag ku yeeshay Guddoomiyayaasha Degmooyinka oo qaarkood aan rajo ka laheyn dib usoo laabashadooda.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News