Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamed Axmed Amiir ayaa guddoomiyay kulan loogu hadlaayay dar-dargelinta howlaha shaqo ee ciidanka ilaalinta deegaanka Xamar.
Kulanka ayaa sidoo kale waxaa diirada lagu saaray sidii ay ciidamada ilaalinta deegaanka ay ugu qeyb qaadan lahaayeen qorshaha bilicda magaalada Muqdisho, oo ah qorshe muhiim u ah caasimadda.
Taliyaha ciidanka ilaalinta deegaanka Xamar Jeneraal Maxamed Carabow Cali ayaa ka warbixiyay shaqooyinka ciidanka Ilaalinta deegaanka, isbadalka dhinaca tayada ee lagu sameeyay iyo caqabadaha jira.
Sidoo kale wuxuu taliyuhu xusay xusay in ay diyaar u yihiin gudashada waajibaadka loo igmaday.
Guddoomiye Amiir ayaa intii uu socday kulanka xaqiijiyay ka go’naashiyahiisa ku aadan tayeynta iyo dhismaha ciidanka ilaalinta deegaanka Xamar.
Waxa uuna faray saraakiisha ciidanka in ay dardargaliyaan ilaalinta nadaafada iyo bilicda caasimadda, kor u qaadista dakhliga iyo in loo turo oo si dabacsan loola dhaqmo bulshada gobolka Banaadir.
Guddoomiyaha cusub ee maamulka gobolka Banaadir oo dhawaan la wareegay xilka ayaa dardar-gelinaya howlaha shaqo ee loo igmaday, xilli dadka reer Muqdisho ay muujinayaan inay weli maqan tahay kaalintii gobolka.