Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Maxamed Axmed Amiir, ayaa mushaarka ka joojiyay Guddoomiyaha Golaha Badbaado Bulsho, oo sidoo kale loo yaqaano Nabadoon Abaabul.
Nabadoon Abaabul ayaa mushaarka laga jaray kadib markii uu si kaftan ah u matalay ama u dhajiyay socodka Guddoomiye Amiir. Muuqaallo laga duubay Abaabul ayaa si weyn ugu faafay baraha bulshada, isaga oo si madadaalo ah u matalaya hab socodka guddoomiyaha.
Wararka la helayo ayaa sheegaya in Abaabul haatan uu ku wajahayo xaalad caafimaad, isagoo jiifa gurigiisa ku yaalla magaalada Muqdisho, waxaana la sheegay in aan xaaladdiisa looga baaqsan tallaabadan, uuna Guddoomiyuhu amar ku bixiyay in laga joojiyo mushaarka.
Sida ay ogaatay Caasimada Online, mushaar joojinta uu sameeyay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir kuma koobna oo keliya Nabadoonka; waxa uu sidoo kale mushaarka ka jartay dhalinyaro badan oo kasoo jeeda beesha Guddoomiyihii ka horreeyay, Yuusuf Madaale.
Xubnahan laga joojiyay mushaarka ayaa qaarkood horey u ahaa agaasimayaal ka tirsan Dowladda Hoose ee Xamar, halka kuwa kalena mushaarkoodii la dhimay.
Mas’uuliyiinta Soomaaliyeed ayaa inta badan lagu eedeeyaa in ay ku kacaan ku tagrifal awoodeed, iyagoo sida ay doonaan ka yeela xilalka qaran ee loo igmaday. Arrintan ayaa niyad-jab ku abuurtay inta badan shacabka Soomaaliyeed.
Si kastaba, dhacdadani waxay muujinaysaa dhaqanka aan habboonayn ee muddooyinkii dambe caadiga ka noqday siyaasadda Soomaaliya, taas oo keeni karta cawaaqib xumo.