Guddoomiye Cabdi Xaashi oo codsi u jeediyay Saciid Deni iyo Axmed Madoobe

Muqdisho (Caasimadda Online) – Gudoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa daah furay kulan ay la yeesheen madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam “Axmed Madoobe”

Gudoomiyaha wuxuu u sheegay Axmed Madoobe in dalka u baahan yahay badbaado, ayna tahay in la isku yimaado la wada hadlo, lana tanaasulo si dadka iyo dalkaba loo badbaadiyo.

Cabdi Xaashi wuxuu madaxweyne Axmed Madoobe ka codsaday in isaga iyo madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni iney u yeeraan dadka siyaasadda ku shaqada leh si wadatashiga loo badiyo, dalkana loo badbaadiyo.

Axmed Madoobe iyo Saciid Deni ayaa ku yimid Muqdisho cadaadis kaga yimid beesha caalamka maadaama ay qaadaceen wixii ka dhacay dhuusamareeb wajigii saddexaad, waxaana la sugayaa sida looga heshiiyo arrimaha doorashada iyo hanaankeeda.

Cabdi Xaashi wuxuu kula dar-daarmay labada madaxweyne ee Jubbaland iyo Puntland ineysan ka tagin magaalada Muqdisho inta xal looga helayo arrimaha cakiran ee dalka.

Siyaasiyiinta ayuu eeda dusha ka saaray, taa badalkeeda wuxuu qiray in dadku aad isku jecel yahiin balse ay kala qeybiyeen siyaasiyiinta.