Guddoomiye Jawaari oo aqbalay mooshinka, kuna baaqay in muddo 10 cisho gudahood cod loogu qaado

Muqdisho (Caasimadda Online) – Gudoomiyaha Golaha shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Shiikh Cusmaan Jawaari oo ay dhawaan mooshin ka keeneen xildhibaano ka tirsan Golaha shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa markale si kulul uga hadlay xiisadda taagan.

Jawaari ayaa waxaa uu sheegay in xeer hoosaadka Golaha shacabka uu qabo in toban maalmood gudaheed mooshin hadii la keeno la horgeeyo xubnaha waxaana uu sidaas awgeed gudiga joogtada ah ka dalbaday in ay dhowraan xeer hoosaadka mooshinkana ay horgeeyaan Golaha shacabka.

Gudoomiyaha ayaa tilmaamay in waqti loo baahanyahay in loo qabto mooshinka kaas oo xubnaha golaha lagu horgeeyo kulamada caadiga ah.

dhinaca Prof Jawaari ayaa soo hadal qaaday ciidamada lagu biiriyay ilaalada xarunta Golaha shacabka waxaana uu dalbaday in laga dulqaado oo lagu soo celiyo kuwi marki hore ilaalin jiray.

mar uu soo hadalqaaday xildhibaano shalay ugu baaqay inuu is casilo ayuu sheegay inuu ku yimid sharci islamarkaana uu ku baxayo oo kali ah wado sharci ah oo uusan iscasili doonin.

“Khilaafka mooshin kalsoonida kala noqoshada waa uu dhammaaday, waa la ogolaaday in mooshinkaas uu jiro, loona baahan yahay tallaabadii habooneyd si waafaqsan heer hoosaadka, kaas oo sheegaya in 10 beri gudhaood lagu hor-geeyo golaha shacabka oo ay u codeeyaan”

Guddoomiye Jawaari ayaa beeniyay warar saacadihii la soo dhaafay la soo geliyay baraha bulshada, kaasoo ahaa inuu is casilayo, isagoo hadalkaas ku tilmaamay mid riyo ah.

“Cod ayaa ku imid oo aan xilka Guddoonka Baarlamaanka ku hayaa, haddii aan baxayana cod ayaa ku baxayaa”ayuu yiri Jawaari.

Sidoo kale Jawaari ayaa mar kale sheegay in ciidamo ay heystaan xarunta Golaha shacabka, waxaana uu ku baaqay in laga baxo qaabkii maleeshiyaadka iyo jabhadeynta

Hadalka ka soo yeeray Guddoomiye Jawaari ayaa meesha ka saaraya waan waan socotay oo la doonayay in lagu xaliyo xiisada siyaasadeed, waxaana muuqata in hadda iyo wixii ka dambeeya lagu kala bixi doono cod.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com