Guddoomiye ku-xigeenada baarlamaanka maamulka GALMUDUG oo la doortey

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka Galmudug ayaa la doortay kadib doorasho ka dhacday magaalada Dhuusomareeb, oo ay codeeyrrny 89 xildhibaan.

Doorashada ayaa waxaa ku tartamay Cabdullahi Xirsi Maxamuud iyo Saadaq Sheekh Yuusuf Sheekh Ibraahim, waxaana 59 cod helay Cabdullaahi Xirsi Maxamuud oo loo doortey guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee baarlamaanka Galmudug, halka Saadaq Sheekh Yuusuf uu heley 29 Cod.

Saadaq Sheekh Yuusuf ayaa waxaa aad u taageerayey kooxda Ahlu-Sunna, waxaana guul-darradan ay ka dhigan tahay in kooxda ay u muuqato inaysan wax jago sare ah ka heleyn hoggaanka Galmudug

Dhinaca kale, Cabdullahi Xirsi Maxamuud ayaa kasoo jeeda beesha Dir, waxaana la sheegay inuusan kooxna ku xirneyn.

Dhinaca kale, guddoomiye ku-xigeenka labaad ee baarlamanka Galmudug ayaa waxaa loo doortay Fadumo Cabdi Cali, waxaana ay ka guuleysatay Maxamed Axmed Maalin.