Guddoomiye maanta lagu dilay magaalada Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Dabley hubeysan ayaa duhurnimadoo maanta guddoomiye waaxeed dil toogasho ah ugu geystay degmada Kaxda ee gobolka Banaadir, sida dad deegaanka ah ay u xaqiijiyeen Caasimada Online.

Guddoomiye waaxeedka la dilay oo lagu magacaabi jiray Ibraahim Colow Cali ayaa waxa dilka loogu geystay waaxdii uu maamulayey ee Siinka-dheer ee degmada Kaxda. Waxaa sidoo kale goobta lagu dilay qof la socday.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in dableydii fulisay dilka guddoomiyaha ay iskaga baxsadeen goobtaasi, iyada oo ay halkaasi gaareen ciidamo badan oo ka tirsan booliska Soomaaliya.

Guddoomiye Colow ayaa xiliga la tooganayey ku sugnaa waaxda shanaad ee degmadaasi oo uu maamulkeeda gacanta ku hayey, lamana oga sababta ka dambeysay toogashadaasi.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay laamaha amniga, oo iyagu baaris ka bilaabay xarunta waaxda iyo degmada Kaxda ee uu dilku ka dhacay.

Si-kastaba, Dilalka qorsheysan ee noocan ah ayaa inta badan waxa magaalada Muqdisho iyo gudaha Soomaaliya ka fuliya kooxda Al-Shabaab, ilaa haddana ma cada in falkan ay ka dambeeyan.