Guddoomiye Mursal oo weli ku jira go’doonkii la geliyey

Muqdisho (Caasimadda Online) – Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa warbaahinta u sheegay in uu wali uu ku jiro go’doon,islamarkaana wali loo diidan yahay Xildhibaanada in ay soo booqdaan Gurigiisa.

Ciidamada ammaanka ayaa weli u xiran jidka loo maro halka uu degan yahay Guddoomiyaha, waxaana wadada ka xiran tahay agagaarka KM4, gaar ahaan Barta Kontarool ee Ciidamada Amniga ku leeyihiin halka lagu magacaabo Hoolka Sahal.

Wadadaas ayaa tan iyo jimcihii aheyd mid xiran oo aan wax gaadiid ah geli karin, sidoo kalena loo diiday Xildhibaanada inay ka gudbaan, waxaa wadada ku xiran gawaarida gaashaaman iyo biro.

Waxaa uu sheegay in xukuumadda Soomaaliya laga rabo in ay ilaaliso Sharciga iyo kala dambeynta, Maadaama uu sheegay in xukuumadda Caburin ku heyso.

Xukuumadda Soomaaliya ayuu ku eedeeyay in ay baalmartay Sharciga iyo kala dambeynta.

Qaar ka mid ah Xildhibaanada ayaa sheegaya in Guddoomiyaha ay saaran tahay xayiraada, isla markaana loo diidan yahay in Xildhibaanada u tagaan.

Shalay ayay aheyd markii Guddoomiye Mursal uu ugu baaqay Xukuumadda inay xayiraada ka qaado hoygiisa, loona ogolaado Xildhibaanada inay soo booqan karaan.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa dhawaan ka guuray xarunta Madaxtooyadda Soomaaliya, ka dib markii uu sheegay in xildhibaanada Mooshinka ka keenay Madaxweyne Farmaajo loo diiday in ay soo galaan xarunta Madaxtooyadda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimad@live.com