Guddoomiye Thaabit oo ka hadlay falkii argagaxa lahaa ee Maanta AMISOM ka geysteen Muqdisho

Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Thaabit Cabdi Maxamed ayaa ka hadlay fal naxdin lahaa oo ay maanta Ciidamada AMISOM ka geysteen Magaalada Muqdisho.

Ciidamada AMISOM ayaa Maanta Baabuur muwaadin Soomaaliyeed uu lahaa ku dardartay Wadada KM4 ee Magaalada Muqdisho.

Haddaba Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa sheegay inuusan marnaba raali ka noqon karin in la dhibaateeyo shacabka Muqdisho iyo muwaadiniinta Soomaaliyeed

” Waxaan aad uga xumahay falka ay maanta ku kaceen ciidanka Amisom” ayuu yiri Thaabit oo la hadlay Saxaafadda.

” Waxaan marka hore raali gelin u dirayaa Muwaadinka Soomaaliyeed ee gaarigiisa waxyeelada ay kasoo gaareen” ayuu sii raaciyey.

” Marna raali kama ihi in Muqdishaawiga ama Muwaadin Soomaaliyeed dhib loo geysto. Waxaan la xiriiray Amisom, jawaab deg deg ah ayaan ka sugeynaa in ay ka bixiyaan sidookalena askarigii falka geystay cadaaladda la horkeeno magdhawna ay ka bixiyaan. Mahad-badan” ayuu  ugu dambeyntii sheegay Guddoomiye Thaabit .