Guddoomiye waaxeed goordhow lagu dilay Muqdisho + Magaca

Muqdisho (Caasimada Online)-Kooxo hubeysan ayaa goordhow degmada Shibis ee gobolka Banaadir ku khaarijiyay Guddoomiye waaxeed ka tirsan Degmadaasi.

Gudoomiye Waaxeedka la dilay ayaa waxaa magaciisa lagu sheegay Ilyaas C/laahi Sheekh,waxaana la sheegayaa inuu ahaa Guddoomiyaha waaxda 4-aad ee Degmada Shibis.

Dilka Guddoomiye Waaxeedka ayaa waxaa geystay Kooxo tirro ahaan lagu sheegay ilaa Seddex kuwaasi oo dilka kadib goobta isaga baxsaday iyaga oo badqaba.

Dilka Guddoomiyaha kadib ayaa sida caadaduba aheyd waxaa halkaasi gaaray ciidamada dowlada oo halkaasi ku qabqabtay dad shacab ah oo looga shakiyay dilkaasi.

Dilkaani ayaa imaanaya iyadoo baryihii danbe magaalada Muqdisho ay ka dhacayeen dilal lagu ugaarsanaayo Guddoomiye waaxeedyada Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com