Xagee ku dambeysay qeybtii Banaadir ee aqalka sare (Xasan oo been kale sheegay)

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirkii ugu danbeeyay ee Madasha Qaran ku yeesheen magaalada Muqdisho ayaa noqday kii ugu go’aano yaraa inta la shaaciyay, iyadoo uu mugdi badan hareeyay waxyaabaha looga hadlayo iyo heshiiska lagu gaaray.

Marka laga reebo xilliyada la qabanayo doorashada labada aqal ee Baarlamaanka iyo doorashada Guddoonka Baarlamaanka iyo Madaxweynaha oo ay hore u shaaciyeen Guddiga Doorashada dadban, waxaan shirkan laga sugayay go’aano fara badan oo aan la soo hadal qaadin.

Go’aanada ugu muhiimsan waxaa ka mid ahaa:

1 – Qodobka metelaada Gobolka Banaadir ee aqalka sare oo guddi hore loogu saaray isla markaana go’aan cad laga sugayay Madasha.

Qodobkan oo guddi farsamo loo saaray isla markaana shirkii Baydhaba ee madasha Guddigaasi lagu soo yareeyay waqtigiisa ayaan wax go’aan ah looga gaarin shirkii Muqdisho ee 2-9 Ogost ka dhacay Muqdisho, xilli 2 xubnood oo dheeraad ah laga siiyay Puntland, kuwaasoo laga soo jaray xubnihii hore loogu qoondeeyay Somaliland.

Madaxtooyada Somaaliya ayaa intii uu socday shirka Madasha waxay shaacisay in madasha ay isla garatay metelaadda Gobolka Banaadir ee aqalka sare, iyadoo aan wax faahfaahin ah laga bixin.

Haddaba baaritaan aan sameynay waxaan ku ogaanay inaysan jirin xubno Gobolka Banaadir laga siiyay Aqalka sare ee Baarlamaanka, iyadoo guddigii howshaasi loo dirayna ay ka gaabiyeen, waxaana shirka Madasha la soo gabagabeeyay iyadoo arrintaasi ay hawada ku laalan tahay.

Waa been kale oo ka mid ah boqolka been ee Xasan Sheekh uu u sheegay shacabka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com