Xasan oo Jigjiga u jooga arrimo halis ah (Somalia waa ku daysay)

Jigjiga (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u tagey magaalada Jig-Jiga ee xarunta killinka 5-aad ee Itoobiya arrin qatar ku ah amniga guud ee dalka, taasi oo horseedi karta dib u dhac hor leh oo ku yimaada dowladnimada Soomaaliya.

Ilo wareedyo xog-ogaal ah oo ku sugan Jigjiga ayaa Caasimadda Online u xaqiijiyey in qorshaha ugu weyn ee safarkii degdega ahaa ee Xasan inuu la xiriiro laba qodob oo mid uu yahay inuu booqdo xarumo lagu sheegey in lagu tababari doono ciidamada Milatariga oo qandaraaskaas ay Xasan Sheekh iyo Cumar Cabdirashiid u sixiixeen Itoobiya, sida ay Caasimada Online horey u sheegtay. Halkan ka aqri.

Arrinta labaad ayaa ah in sidoo kale hogaanka ciidanka Amisom so toos ah loogu wareejiyo Itoobiyaanka oo markan raba iney noqdaan dalka ay ka go’do talada ugu dambeysa ee howlgalada milatari ee Amisom.

Madaxweyne Xasan oo xubno dowladda ka tirsan ay safarkiisa ku wehliyaan ayaa sidoo kale u sheegay mas’uuliyiinta kilinka iney ugu yimaadeen sidii ay uga baran lahaayeen dowladnimada iyo habka loo soo celiyo amniga, taasi oo gaf ku ah lasmaha dastuuriga ee dowladda federaalka Soomaaliya.

Xasan ayaa noqonaya madaxweynihii ugu horeeyey ee Soomaali ah ee booqda magaalada Jigjiga oo ah dhul Soomaaliyeed oo Itoobiya ay xoog ku siiyeen gumeystayaashii Ingiriiska.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com