Beesha Eritrea ee SOMALIA oo xubno ka heleysa baarlamanka

Nairobi (Caasimada Online) – Iyadoo inta badan Jaaliyadaha ku dhaqan dalka Somalia ay yihiin kuwo farakutiris ah ayaa waxaa soo baxaaya in Nabadoonka Beesha Eriteria iyo Jaaliyadduba ay rajo ka qabaan in xuquuq ay ka helaan maamulada la filaayo in loo dhiso Goboladda Hiiraan iyo Sh/Dhexe iyo Gobolka Banaadir.

Nabadoon Cali Fikaak Cumar oo ah Nabadoonka Beesha Eriteria ee Somalia, ayaa sheegay in Eriterianka ku nool Somalia ay leeyihiin xuquuq la mid ah kan ay leeyihiin muwaadiniinta waxa uuna taasi sabab uga dhigay in intooda badan ay yihiin kuwo ay iska dhaleen Hooyooyin Somali iyo Aabayaal Eriterian ah.

Nabadoonka ayaa sheegay in Beesha Eriteria ee ku nool Somalia ay kor u dhaafayaan 700 qoys oo ku kala nool magaalada Muqdisho iyo daafaheeda waxa uuna si cad u sheegay in deegaan ahaan ay degaan Gobolada Banaadir, Hiiraan iyo qeybo kamid ah Gobolka Sh/Hoose gaar ahaan magaalada Marko.

Nabadoonka waxa uu sheegay in rajo fiican ay ka heystaan dhanka dowlada Somalia waxa uuna cod dheer ku sheegay in maamulka loo dhisi doono Gobolada Hiiraan iyo Sh/Dhexe ay xubno ka heli doonaan Baarlamaanka uu maamulkaasi yeelan doono maadaana ay degaan magaalada Jowhar.

Waxa uu sheegay in Eriterianka ay Hanti maguuraan ah ku leeyihiin magaalada Jowhar, waxa uuna cadeeyay inay ka qeybqaaten Horumarka magaalada Jowhar sida dhismaha Buundooyinka, Biyoxireenka loo yaqaano xeentooy, Warshadii Sokorta ee loo yaqaan Seys iyo Beeraha magaalada Jowhar.

Nabadoon Cali Fikak Cumar waxa uu sidoo kale sheegay in rajo wanaagsan ay ka leeyihiin in Baarlamaanka uu yeelan doono Maamulka cusub ee loo dhisi doono Gobolka Banaadir ay xubno ku yeeshaan, waxa uuna tilmaamay in dadaalka lagu gaari lahaa xubnahaasi ay kala hadleen dowlada Somalia, sidaana ay rajo ku qabaan.

Sidoo kale, Maamulka Jaaliyadda Eriteria ee Somalia ayaa sheegay inay jiraan taageero ay ka heystaan Wasaarada Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Somalia, waxa ayna sheegen in Wasaaradu ay dhowr jeer kala hadleen helida deeqaha ay Wasaaradu u qoondeysay Jaaliyadaha iyo dadka tabaaleysan, waxa uuna maamulka Rajo ka muujiyay helida deeqaha ay bixiso Wasaarada.

Dib usoo nooleynta Jaaliyadaha ka jira dalka Somalia, ayaa waxa ay ka turjumeysaa in Somalia ay ka jirto Nabad iyo Xasilooni.
Nabadoonka Beesha Eriteria iyo Maamulka Jaaliyada ayaa si isku duubni leh Mahad celin ugu jeediyay dowlada Somalia oo garab taagan.

Xafiiska Warfaafinta Jaaliyadda Eriteria
Gmail: ericom985@gmail.com

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
Caasimada@live.com