Sawirro: Muxuu Xasan Sheekh ku arkay magaalada Jigjiga (Daawo)

Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha DDSI Cabdi Maxamuud Cumar iyo Madaxweynaha Somalia, Xassan Sheekh Maxamuud, ayaa si wada jir ah u booqday qaar kamid ah Xarumaha DDSI iyo Wadooyinka ugu muhiimsan ee maamulka.

Goobaha uu booqashada ku tagay Madaxweyne Xasan ayaa waxaa kamid ahaa dhismaha mashruuca ballaaran ee kasocda agagaarka xarunta madaxtooyada DDSI, waxa uuna halkaasi ku qaabilay mas’uuliyiin horay xilal kala duwan uga soo qabtay maamulka iyo Odayaal dhaqmeed.

Xassan Sheekh ayaa sidoo kale Booqasho ku tagay Hoolka wayn shirarka ee Kaali, waxa uuna halkaasi salaan sharafeed kaga qaatay ciidanka baambayda ee deegaanka, waxa uuna usii gudbay xafiiska madaxwaynaha DDSI.

Waxa uu kaloo booqday Keydiyaha Biyaha iyo Machadka tababarada maaraynta maamulka oo uu kula kulmay arday tiro badan.

Goobaha kale ee uu Xassan Sheekh booqday ayaa waxaa kamid ah Xarunta Cisbitaalka wayn ee Meles Memorial Refferal Hospital iyo kuliyada xirfadaha iyo farsamada ee jigjiga polytechnic college.

Waxaa sidoo kale uu Madaxweynuhu la kulmey Golaha Wasiirada ee Dowlad Degaanka, isagoo khudbad u jeediyay kana waramey muhimadda ay leedahay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal ka dhexeeya.

Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia, Hailemariam Desalegn , ayaa isna khadka telefonka kula soo xiriiray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ay ka wadahadleen xiriirka labada dal iyo booqashada taariikhiga ah ee uu ku yimid Jigjiga.

Madaxweynaha ayaa inta uu joogo magaalada Jigjiga khibrad maamul ka kororsan doona maamulka DDSI.

HOOS KA DAAWO SAWIRADDA
Jigjiga 1

Jigjiga 3

Jigjiga 4

Jigjiga 5

Jigjiga 6

Jigjiga 7

Jigjiga 8

Jigjiga 9

Jigjiga 10

Jigjiga 11

Jigjiga 12