Xog: Qorshe halis ah oo maamul loogu dhisayo Hiiraan & Sh/dhexe

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa lagu wadaa in maalmaha soo socda Shirka maamul u sameynta Gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ee gogoshiisa taalay magaalada Jowhar loo soo wareejiyo magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh iyo Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Federaalka Somalia C/raxmaan Odawaa ayaa qalinka ku duugay in shirkaasi loo soo wareejiyo magaalada Muqdisho, iyaga oo qorshaha wareejinta u xilsaaray gudiyo gaar ah oo aan si rasmi ah loo soo bandhigin.

Xassan Sheekh iyo Odawaa ayaa si hoose u dajiyay in shirka leysugu keeno Ergo ka kooban 300 kuwaasi oo laga soo kala xulay maamualada uu shirka u furmaayo.

Xassan Sheekh iyo Odawaa ayaa isla qaatay in Ergada qaar daaqada laga saaro, kuwaasi oo ay noqon doonaan kuwa qeybta ka ah shirka balse inta badan dowlada u jeediya dhaliisha.

Ergada laga reebi doono shirka laga soo wareejinaayo magaalada Jowhar ee loo soo rari doono magaalada Muqdisho, ayaa noqon doona ku dhawaad Labaatan odayaal oo si ba’an u dhaliila shirka isla markaana dowlada ku eedeeya inay ka gaabineyso dardar galinta shirka.

Xassan Sheekh iyo Odawaa ayaa kala sifeynta Ergadaasi ka damacsan in wakhti hore lasoo afmeero dhismaha maamulka waxa ayna isla garteen in Ergada qeyla dhaanta muujiya ay mar kale fashilin karaan shirka, sidaa darteedna ay Ergadaasi daaqada uga saari doonaan.

Urur Goboleedka IGAD ayaa la sheegay inuu soo jeediyay qorshayaal dhowr ah oo la xiriira dhismaha maamulka Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, waxaana ka mid ahaa in shirka loo soo raro Muqdisho.

Qaabka loo marayo dhismaha maamulka labada gobol ee Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa la mid noqon doona qaabkii loo maray dhismaha Maamulka Koofur Galbeed oo ergooyin la xareeyay ay doorteen Madaxweyne Shariif Xasan.

Si kastaba ha ahaatee, qorshahaani ayaa sababi kara in Beelaha dega Gobollada Hiiraan iyo Sh/Dhexe ay ka niyad jabaan rajadii laga lahaa dhismaha maamulka cusub.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com