Maamulka Hiiraan & Sh/Dhexe oo loo dhisayo qaabkii K/Galbeed

Muqdisho (Caasimada Online)-Ilo xog ogaal ah ayaa Caasimada Online u sheegay in dhawaan la dhiso doono hogaanka ugu sareeyo maamulka Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe, iyadoo loo marayo qaab aysan la dhacsaneyn shacabka labada gobol.

Warar hoose oo aan heleyno ayaa sheegaya in wasaarada arimaha gudaha xukuumada Soomaaliya ay waddo qorshe shirka maamulka Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe loogu soo wareejin lagaa magaalada Muqdisho, islamarkaana looga soo wareejin lahaa magaalada Jowhar.

Wasaarada arimaha gudaha oo kulamo kala duwan la qaadatay waxgaradka labada gobol ayaa soo jeedisay in la taageero talooyiin urur goboleedka IGAD horey usoo jeediyay oo ahaa in shirka laga raro magaalada Jowhar oo Muqdisho loo wareejiyo.

Todobaadyada soo aadan ayaa sida qorshaha uu yahay waxaa shirkaasi loosoo wareejinaya magaalada Muqdisho, waxaana la doonayaa in odayaasha dhaqanka ee Hiiraan ay kasoo qeyb galaan shirka maadaama ay diideen iney Jowhar tagaan.

Xogaha kale ee aan heleyno ayaa sheegaya in maamulkaasi la doonayo dhismahiisa in loo maraaa wadadii lagu dhisay maamulka Koofur Galbeed oo odayaal meel lagu xareeyay ay soo doorteen madaxweyne Shariif Xasan Sheikh Aadan.

Odayaasha ayaa la doonayaa in lagu xareeyo mid kamid ah hoteelada magaalada Muqdisho kadibna iyaga ay soo dooran doonaan madaxweynaha maamulka labada gobol.

Waxaanan la ogeyn sida odayaasha Shabeelaha Dhexe ay ku jawaabi doonaan, maadaama aysan helin xarunta maamulka oo Buuloburde laga dhigay, iminkana la doonayo in shirka laga soo wareejiyo magaalada Jowhar.

 

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com