Erdogan oo Obama hordhigay in uu kala doorto labo arrin middood

Muqdisho(Caasimada Online)-Madaxweynaha Turkiga Mr Erdogan ayaa hordhigay dowlada Mareykanka iney kala doorato labo arin middood, kadib afgambigii fashilmay ee ka dhacay dalka Turkiga.

Dowlada Turkiga ayaa ka dalbatay dowlada Mareykanka iney usoo gacan geliso wadaadka Fatullah Gullan oo la aamisan yahay inuu ka dambeeyay afgambigii fashilmay ee dhawaan ka dhacay dalka Turkiga kaasi oo la doonayay in Erdogan lagu qaarijiyo.

Isagoo kumanaan dadweyne ah kula hadlayay dalka Turkiga ayuu sheegay in dowlada Mareykanka looga baahan yahay in sida ugu dhaqsiyaha badan ugu soo gacan geliso wadaadka sida weyn loo doon doonayo ee Mr Gullan.

Mr Erdogan ayaa u sheegay madaxweyne OBAMA in looga baahan yahay inuu kla doorto xiriirka dowlada Turkiga kala dhaxeeyo iyo inuu doorto Mr Gullan oo ay doon doonayaan.

” Waxaan ka rabnaa dowladda Mareykanka  in ay labo kala doorato in ay gacanta kusoo geliso dowladda Fethullah Gulen oo ay ka shaqeeyso arimaha Turkiga ama in ay diido in ay gacanta noo soo galiso oo argagixisada ay taageerto ” ayuu Yiri Erdogon

Casimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com