Xog: C/kariin Guuleed oo go’aan ku qaadan doona 2 arrin midkood

Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha maamulka Galmudug C/kariin Xusein Guuleed, ayaa kulamo kala duwan la qaadanaaya xubno ka tirsan labada gole iyo Odayaasha maamulka.

Madaxweyne Guuleed ayaa kulamadaani ka damacsan in go’aan uu uga gaaro sad bursiga maamulka Puntland.

C/kariin Guuleed ayaa xubnaha isugu jira labada Gole iyo Odayaasha maamulka kala tashan doona sida uu ka yeeli lahaa tirada dheeriga ah ee lasiiyay Puntland, waxa uuna natiijada kasoo baxda shirkaasi kula soo laaban doonaa Saxaafada, inkastoo uu horay u sheegay in mowqifka Galmudug uu yahay mid qaadacsan go’aanka tirro kordhinta.

Guuleed ayaa kulamada kadib lagu wadaa inuu qaato go’aan lid ku ah Siyaasada Xassan Sheekh iyo Puntland isagoo qaadan doona go’aano ay kamid yihiin:

1-In dib u gurasho dhanka doorashada ah uu iclaamiyo

2-Inuu muujiyo tanaasul isaga oo qaabab kale uga faa’iideysan doona dowlada.

Qaar kamid ah golaha Wasiirada Galmudug ayaa Madaxweyne Guuleed ku cadaadinaaya inuu qaato go’aan ah in maamulkiisa uusan qeyb ka noqon doonin hanaanka doorasho ee dalka, waa haddii aan tirro hal ah loogu kordhin cadadka uu iminka ka heysto aqalka sare.

C/kariin Guuleed ayaa madaxda maamulka iyo Odayaasha u ballanqaaday inuu qaadan doono go’aan waliba oo ay ka gaaran jabinta Heshiiskii hore ay madasha Qaran wada gaaren, waxa uuna si cad u shaaciyay inuu kasoo horjeedo lambarada dheeriga ah ee Puntland loo qariyay.

Geesta kale, Guuleed ayaa looga fadhiyaa inuu la imaado go’aan raali galinkara shacabka Galmudug oo iyagu qeyb ka ah dhinacyada dhaliilsan tirada dheeriga ah ee loo xaday Puntland.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com