Xog: Xasan oo khilaaf ka dhex abuuray beesha caalamka kadib…

Muqdisho (Caasimada Online)-Iyadoo waaxda arrimaha dibedda Maraykanka iyo Xoghayaha guud Qaramada Midoobay Ban ki-mon ay si wada jir ah u taageeren Jadwalka cusub ee doorashada Somalia, ayaa waxaa haddana soo baxaaya warar sheegaya in wakiilada Beesha Caalmaka ay ku kala ragti duwan yihiin qaabka loo dajiyay Jadwalka cusub ee doorashada.

Wakiilada qaar ayaa qaba in diyaarinta Jadwalka cusub loo maray wado khaldan oo aan waafaqsaneyn maslaxada Somalia, waxa ayna sidoo kale sabab ka dhigeen in dowlada Somalia wax waliba u hageyso sida ay maankeeda ka maagto.

Waxa ay tilmaameen in qodobada qaar ee ku jira Jadwalka ay yihiin kuwo lagu indha sarcaadinaayo mustaqbalka Somalia, sidaa darteedna aysan raali ka aheyn baalmarka sharciga kuxeeran duruufaha Somalia.

Wakiilka Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Michele CervoneDurso iyo Harriet Mathews oo ah Safiirka Britain u fadhisa Somalia ayaa kamid ah wakiilada kasoo horjeeda jadwalka cusub, waxa ayna ku doodayaan inaysan la socon halka lagu bedelay Jadwalka.

Harriet Mathews iyo Michele CervoneDurso waxa ay sheegen in kastoo aysan raali ka aheyn fashil ku imaada xasiloonida Somalia, hadana aysan ku faraxsaneyn sida ay wax u socdaan, iyaga oo sababta ugu weyn ka dhigay culeyska uu leeyahay Jadwalka cusub.

Harriet iyo Michele, ayaa sidoo kale sheegay in horay ay dowlada Somalia ugu cadeeyen inaanu qabin in doorashada laga dib dhaco misna wax laga bedelo Jadwalkii lagu heshiiyay hayeeshee ay dhaceen dhammaan waxyaabihii ay ka digayeen.

Michele iyo Harriet, ayaa waxaa arragtidaani la qaba Safiiro kale oo caalamka ka jooga Somalia, walow kulamo uga socda Xarunta Xalane lagu doonaayo in lagu soo saaro go’aan lagu taageeraayo Jadwalka cusub maadaama ay arrintaani dhacday.

Ma cadda waxa uu go’aankoodu noqon doono, waxaase lagu wadaa in Beeshu ay khilaafkaasi dhexdooda xaliyaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com