Xog: R/W CC oo weerar culus ku qaaday Cabdikariin Guuleed

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha xukuumada Somalia Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke oo ku jahwareersan qaabka uu Madaxweyne Xassan wax u wado ayaa weerar afka ah ku qaaday C/kariin Guuleed.

Sharmaarke ayaa sheegay in nasiib darro ay tahay in wakhtigaani la joogu shaqsi waliba oo la imaado go’aano khilaafsan kan dowlada waxa uuna tilmaamay in DF aysan qaadan doonin khilaaf danbe oo laga keeno wixii lagu heshiiyay.

Sharmaarke ayaa sheegay inuu aaminsan yahay in wax laga bedelay qodobada qaar ee horay loogu heshiiyay balse dowladu ay tiigsaneyso wixii maslaxad u ah umadda Soomaaliyeed.

Waxa uu sheegay in tirro kordhinta uu ka cabanaayo Guuleed ay tahay mid loogu daray Puntland, maadaama cida laga jaray ay tahay Soomaali, cida loogu biiriyayna ay tahay Soomaali.

C/kariin Guuleed ayuu sheegay inuu degdegay balse loo baahan yahay inuu ka fiirsado khilaafyada cusub ee uu ka dhex abuuraayo dowlada iyo hogaamiyayaasha maamulada dalka.

Waxa uu cadeeyay inaanu jiri doonin dib uga laabasho ku aadan go’aanka laga gaaray shirka waxa uuna carab dhabay in Guuleed looga baahan yahay inuu la imaado sabar.

Haddalka Sharmaarke ayaa imaanaya iyadoo C/kariin Guuleed uu sheegay in Galmudug aysan waafaqsaneyn go’aanada kasoo baxay shirka ee tirro kordhinta loogu sameeyay Puntland.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com