Xog: CC Sharma’arke oo markale lugaha la galey fadeexo qaran.!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid ayaa la sheegey inuu u sixiixay shirkado kaluumeysi maraakiibtooda iney ku kaluumeystaan calanka jamhuuriyadda Soomaaliya, taasi bedelkeedana shirkadaha leh maraakiibtaas ay siiyaan Ra’iisul wasaaraha 7 Milyan oo dollar.

Sharma’arke oo laba jeer si qarsoodi ah ku tagey magaalada Athens ee xarunta dalka Greece ayaa heshiiskaas qarsoodiga ku sixiixay, iyada oo qaybtii ugu horeysey lacagtaas uu ka soo qaadey magaalada Dubai, bishii hore.

Caasimada Online ayaa kaso xigatey ilo lagu kalsoonaan yahay sax ahaanshaha heshiiskaas, iyada oo xafiiska ra’iisul asaaraha ilaa iyo hadda aaney jawaab ka bixin fariimo dhowr ah oo aan kula xiriirney.

Ra’iisul wasaare CCC Sharma’arke ayaa goor horena faraha la galey fadeexadda iibsashada badda Soomaaliya, haddana waxa lagu eedeeyey inuu calanka astaanta qaranka uu shirkado shisheeye ka iibiyey, mana cadda in heshiiskan dambe uu la ogyahey madaxweynaha Soomaaliya Xassn Shiikh Maxamuud.

Caasimada Online
Xafiiska Rome
Caasimada@live.com