Dhageyso: Cali Khaliif oo jawaab kulul siiyey Gaas iyo Xasan Sheikh

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamulka Khaatumo Cali Khaliif Galeyr, ayaa si adag uga hadlay go’aanka ay dowlada Somalia Khaatumo ku hoosgeysay maamulka Puntland ee uu Hogaamiyaha ka yahay Cabdiwali Maxamed Cali Gaas.

Galeyr oo u waramaaya Idaacada VOA laanteeda afka Somaliga looga hadlo, ayaa qaadacay go’aanka kasoo baxay shirka madasha Qaran ee kusoo idlaaday magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia.

Galeyr waxa uu sheegay in dowlada Somalia ay ka talaabtay waaqica jira, sidaa darteedna ay Khaatumo uga soo horjeedo qodobadii kasoo baxay shirka Madasha.

Galeyr waxa uu sheegay in go’aanada lagu gaaray shirka Madasha ay kamid tahay in gobollada Sool, Sanaag Bari iyo Buuhoodle ay hoos tagaan maamulka Puntland.

“Waxaan u arkaa arrin khalad ah wixii ka dhacay xamar waa arrin lagu duudsanaayo dadka sool,sanaag iyo ceyn waa dad Soomaali ah waa dad usoo halgamay Somalia hadii maamulka xamar jooga uu u arkay in cid kale uu na hoosgeeyo anagu waan tashaneynaa”

“Ma istaahilno arrintaas mana ogolaaneyno waxa xamar ka socda kama qeybgaleyno wixii danteenu ah meesha aan ka heleyno ayaan la raadsaneynaa”

Mar wax laga weydiiyay inay ku biirayaan Somaliland ayaa waxa uu sheegay inaysan ka hordhici doonin balse ay tixgalin doonaan wixii u cuntamaaya dadka Khaatumo.

“Cid noo og ma jirto dadkii nooga dhintay dagaaladii aan ku muujineynay midnimada Somalia laga soo bilaabay xiligii gumeystaha kumanaan kun ayaan nooga dhintay dagaalada hadana ma istaahilno in dowlada Somalia ay sidaa noola dhaqanto”

Galeyr ayaa sheegay in marnaba aysan qaadan doonin go’aanka shacabka Khaatumo lagu hoosgeeyay Puntland, waxa uuna sheegay in arrintaasi ay ka danbeeyan tirro odayaal ah oo lagu uruuriyay Garoowe.

Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa maalmo un ka hor sheegay in aysan jirin wax la yiraahdo mamaulka Khaatumo oo shirka looga hadley, goboladaasna ay ka mid yihiin beelihi ku heshiiyey dhismaha maamulka Puntland sanadkii 1998.

Madaxda Madasha Qaran ayaa go’aamiyay in xuquuqda Khaatumo la hoosgeeyay maamulka Puntland, iyadoo xildhibaanada Khaatumo kaga imaan doono gobollada Sool, Sanaag Bari iyo Buuhoodle ay maamuli doonto Puntland.

[su_audio url=”http://caasimadda.net/wp-content/uploads/2016/08/55436efe-83f1-4e21-bfb4-2db1519120f2.mp3″]

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com