IGAD oo ka hadashay in SHIRKA Jowhar loo wareejinayo Xamar

Muqdisho (Caasimada Online) – Warbixin lagu soo daabacay Idaacada KNN ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu sheegay in Urur Goboleedka IGAD uu beeniyay haddal dhawaan ay ka shaaciyeen magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan kaasi oo ahaa in Shirka ka socda magaalada Jowhar loo soo wareejin doono magaalada Muqdisho.

Idaacada oo xiganeysa mas’uul ka tirsan IGAD ayaa baahisay inaanu jirin wararka sheegaya in shirka Jowhar loo soo wareejin doono Caasimada Somalia ee Muqdisho.

Nuqul kamid ah haddalka mas’uulkaasi ayaa ahaa ”Waxaan wadnaa dadaal dheeri ah oo lagu dar dar galinayo Shirka Maamulka loogu dhisayo labada Gobol ee Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe iyo sidii Shirkaasi uu u miro dhalilahaa”

Mas’uulkaasi waxa uu sheegay in shirka Jowhar uu kasii socon doono magaalada Jowhar, isla markaana uusan jirin wararka sheegaaya in loo soo wareejinaayo magaalada Muqdisho.

Wasiirka arrimaha Gudaha iyo Federaalka Somalia C/raxmaan Odawaa ayaa dhawaan sheegay in dowladu ay wado dadaalo lagu dhiirigalinaayo shirka waxa uuna tilmaamay in shirkaasi loo soo wareejin doono magaalada Muqdisho.

Odawaa ayaa sidoo kale tibaaxay in dowladu ay rajo wanaagsan ka qabto in shirkaasi uu guul kusoo dhamaadow inkastoo uusan sheegin wakhtiga la soo wareejin doono.

Dhanka kale, Shirka Maamulka loogu sameynayo Gobolada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe ayaa socda mudo Sanad ku dhaw mana jiraan wax mirro dhal ah oo laga gaaray.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com