Carte oo ugu danbeyn fashiliyey wixii ka dhacay shirka Madasha

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaare ku-xigeenka dalka Maxamed Cumar Carte, ayaa si adag uga hadlay go’aanka kasoo baxay Madasha Qaran ee Soomaalida, waxa uuna si cad u dhaliilay qoondada Somaliland ee aqalka sare dalka.

Carte waxa uu sheegay in shaqsi ahaantiisa uusan la dhacsaneyn sida dadka kasoo jeeda dhulka Somaliland loo siiyay qoondadooda waxa uuna cadeeyay in dhibka ugu weyn uu yahay qaabka ay DFS u qeybisay saamiga la siiyay maamulada dalka.

Carte waxa uu tibaaxay inuu ka biyo diiday qodobka ka hadlaya saami qaybsiga kuraasta aqalka sare ee khuseeya Xubnaha Somaliland, waxa uuna sheegay in lasoo hordhigay taladii uu madasha geeyay mid ka duwan oo uusan ku qancin.

Maxamed Cumar Carte ayaa sheegay inay arrintaasi ahayn mid aysan ku qanci karin, wuxuuna madasha hoggaamiyayaasha ugu baaqay inay dib u eegaan qodobkaas.

”Mida iga yaabisay waxa ay tahay in la yiraahdo xubnaha ka socda dhanka Somaliland waa loo qeybinayaa qoondadooda halka maamulada kale loo ogolaaday inay qeybsadaan saamigii loogu tallo galay waayo cid waliba iyaga ayaa yaqaan sida ay waxooda u qeybsan lahaayen marka anigu magaran sababta loo leeyahay Somaliland waa loo qeybinayaa kuwa kalane ha qeybsadaan”

”Goorta lawada qeybsanaayo saamiga Somaliland waxaa kusoo aada saami aysan u qalmin anigu taa waan dhaliilay Madashuna waan ka sheegay laakiin waa leyga ra’yi badiyay”

”Bilowga shirka madashu waxa uu ahaa in qoondada Somaliland la kordhiyo balse madhicin waayo nasiib darada ugu badan waxa ay tahay maqnaanshiyaha xubnaha Somaliland wakiilka u ahaan lahaa”

Carte waxa uu sheegay in rajada ugu dhow ee xalka looga gaari karo Saamiga Somaliland ay tahay shirka soo socda waxa uuna carab dhabay inay jiraan aragtiyo kala duwan oo xal in laga gaaro u baahan.

Dhinaca kale, Mar Carte waxa uu qiray in shirka Madasha Qaran laga gaaray dantii laga lahaa waxa uuna tilmaamay in shirkaasi leysugu soo dhaweeyay madaxda dowlada iyo kuwa Gobolada dalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com