Xog: Maxaa kulanki Hailemariam iyo Xasan Sheekh looga hadlay?

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iIsul wasaaraha dalka Ethiopia, Hailemariam Desalegn iyo Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kawada hadlay xiriirka ka dhexeeya labada dal, Siyaasada, Doorashada iyo amniga.

Hailemariam iyo Xasan Sheekh ayaa isla soo qaaday dhaqdhaqaaqa ciidamada Ethiopia ay kawadaan Somalia, waxa ayna si qoto dheer uga wada hadleen arrimaha la xiriira doorashada Somalia ee dhawaan la filaayo inay ka dhacdo Somalia.

Hailemariam ayaa Madaxweyne Xasan u ballanqaaday in dowlada Ethiopia ay kaalin muuqata ka qaadan doonto doorashada iyo amniga goobaha lagu qaban doono doorashada.

Hailemariam waxa uu sidoo kale Xassan u ballanqaaday inay laba jibaari doonaan xiriirka iminka kala dhexeeya Somalia waxa uuna Hailemariam cadeeyay in ethiopia ay maslaxad u aragto Somalia oo Nabad ah.

Madaxweyne Xassan ayaa soo dhaweeyay ballanqaadyada uu ka helay Hailemariam, waxa uuna dhankiisa ka ballanqaaday inuu xoojin doono xiriirka ethiopia kala dhexeeya.

Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu horkacayo ayaa booqasho ku jooga magaalada Jigjiga ee caasimadda Dowlad Degaanka Soomaalida Ethiopia.

Si kastaba ha haatee, Booqashada Xassan Sheekh ee magaalada Jigjiga ayaa noqoneysa tii ugu horeysay oo uu halkaasi ku gaaro, waxa uuna sidoo kale booqday xarumo dhowr ah oo maamulka miisaan u leh.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com