R/W CC oo shaki galshay daacad nimada wasiirada kadib markii…

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha xukuumada Somalia Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, ayaa ka hadlay suuragalnimada in Wasiirada Xukuumada Somalia ay lunsadaan Hantida Qaranka xili gabaabsi ay tahay dowlada.

Sharmaarke waxa uu sheegay inay suuragal tahay in Wasiirada qaar ay si khaldan u isticmaalaan Hantida Qaranka waxa uuna sheegay in walaac gaar ah uu ka muujinaayo in Hantidaasi la lunsado in dalka uu ku jiro doorashada.

Waxa uu sheegay inay dhicikarto in Wasiirada qaar ay isku khaldaan Hantida dowlada iyo tan gaarka ah, balse waxa uu ka digay in labada Hantiba leysku darsado.

Sharmaarke waxa uu sidoo kale sheegay in Wasiirada looga baahan yahay inay muujiyaan karti isla markaana ay sameeyaan shaqo dheeri ah inta lagu guda jiro xiliga doorashada.

Bilaha September iyo October ayaa dalka waxaa ka dhacaya Doorashooyin iyadoo la soo dooranayo xubanaha Baarlamaanka Aqalka Sare, xubnaha Aqalka Hoose iyo 30-ka October oo la soo dooran doono Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya ay yeelaneyso sida la go’aamiyay.

Haddalka Sharmaarke ayaa imaanaya iyadoo inta badan walaac laga muujinaayo in Wasiirada ay lunsadaan Hantida Qaran ee sida xisaab la’aanta ah loo gurto.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com