Xog: Khilaafka Xasan vs Guuleed & Faarax oo arrin cusub dhaliyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh ayaa u muuqda mid sii luminaya kalsoonida kooxdii Damuljadiid xilli laba bil un lagu darey waqtigii ugu dambeeyey ee doorashooyinka qaranka.

Madaxweynaha waxay madaxa iskula jiraan xildhibaan Faarax Cabdulqaadir iyo Madaxweynaha Galmudug Cabdikariin Guuleed oo dhawaan un cisbitaal kasoo baxey, waxana ay isku hayaan awoodda xad dhaafka ah ee madasha qaranka.

Guuleed waxa uu Xasan u cadeeyey inuusan raali ka ahayn go’aanada madasha badankooda, waxana xubno reerkiisa ah oo uu kula kulmay Gaalkacyo uu u xaqiijiyey in uu hubo iney soo dhamaaneyso maalmihii madaxweyne Xasan ee Madaxtooyada oo uu reerkiisa kala doorsiiyey laba musharax midkood iney taageeraan, kuwaasi oo kala ah Shariif Shiikh Axmed madaxweynihii hore ee Soomaaliya ama mid iyagu ay keensadeen.

Xildhibaan Faarax Cabduqaadir ayaa laga celiyey xafiiska madaxweynaha markii ugu horeysey oo loo sheegey inuu mashquul yahey, taasi oo ka dambeysey markii uu taageerey qorshihii socon waayey ee awooda madaxweynaha loogu dhiibayey guddoomiyaha Baarlamaanka Prof. Jawaari, marka dowladda uu waqtiga ka dhammaado.

Caasimada Online ayaa ogaatey in buuq iyo gacan qaad shaqaalaha madaxtooyada dhex marey kadib la xaliyey oo xildhibaanka lagu qanciyey inuu iska laabto, laguna wargeliyey inuu soo laabto safarka Jigjiga ee madaxweynaha kadib.

Madxweyne Xasan ayaa xildhibaan Faarax u sheegey in uusan u balan qaadi karin kursi xildhibaan maadaama beeshiisa reer Ow-xassan ay aad uga soo horjeesteen, ayna doonayan iney siiyaan Fahad Yaasin oo Aljazeera TV  ka tirsan horeyna u ahaa lacag qaadihii doorashadii uu kusoo baxey madaxweyne Xasan.

Waa markii ugu horeysey ee kooxdan Damuljadiid ee aan si cad isku sheegin xubnihii ugu waaweyna ay kala shakiyaan xilli waxyar ay ka harsan tahey doorashada qaranka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com