Boorsaani oo amray in lasoo xiro guddoomiye…

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Xasan Jimcaale ayaa amar ku bixiyay in Xabsi la dhigo Gudoomiyihii Degmada Kaxda Cabdi-kaamil Shukri oo xilka laga qaaday.

Gudoomiyaha Gobolka ayaa sheegay in maamulka uusan aqbali doonin in Gudoomiye xilka laga qaaday uu dood ka keeno xil ka qaadistiisa waxa uuna sheegay in Guddoomiyihii diida xil ka qaadista uu xabsi muteysan doono.

Yuusuf Xasan oo khadka Telka kula hadlay Gudoomiye xilka laga qaaday Cabdi-kaamil ayaa u sheegay in looga baahan yahay inuu u hogaansamo wareegtada kasoo baxday Xafiiska Wasiirka arrimaha Gudaha haddii uu muran ka qabo xil ka qaadistiisana ay u furan tahay in arrintaasi uu kala xaajoodo Wasaarada iyo Maamulk.

Cabdi-kaamil ayaa ka biya diidan xil ka qaadista lagu sameeyay waxa uuna ilaa iyo hadda uu ku doodayaa xil ka qaadistiisa in wado qaldan loo maray.

Cabdi-kaamil Shukri ayaa tan iyo markii xilka Degmada Kaxda loo magacaabay ku noolaa Degmada Wartanabada ee magaalada Muqdisho, waxa uuna maamulka ku eedeeyay inuusan u shaqo tagin Degmada uu xilka ka hayay.

Dhanka kale, maamulka Gobolka Banaadir oo xil ka qaadista marinaaya dhanka wasaarada arrimaha gudaha ayaa wada dadaalo ay ku qancinayaan Cabdi-kaamil .

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com