Guddoomiyihii Hiiraan oo xilkii laga qaaday iyo mid cusub oo la magacaabay

Jowhar (Caasmada Online) – Madaxweynaha maamul goboleedka HirShabelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta xilka qaadis ku sameeyay guddoomiyihii gobolka Hiiraan Cabdullaahi Maalin Sufurow, isaga oo u magacaabay mas’uul cusub oo beddalaya.

Wareegto kasoo baxday xafiiska madaxweynaha ayaa lagu shaaciyay xilka qaadista guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan oo in muddo ahba wajahayay diidmo adag.

“Waxaa Mudane C/laahi Axmed Maalin laga qaaday “Xilka guddoomiyaha gobolka Hiiraan”. ayaa lagu yiri wargeetada kasoo baxday madaxtooyada dowlad goboleedka HirShabelle.

Sidoo kale waxaa isla wareegtadan guddoomiyaha cusub ee gobolka Hiiraan loogu magacaabay Mudane Muuse Salaad Weheliye oo HirShabelle ka haayay xilka Wasiirka Wasaaradda Gaadiid Duulista iyo Hawada ee maamulkaasi.

“Waxaa Mudane Salaad Muuse Wehliye loo magacaabay “Xilka guddoomiyaha gobolka Hiiraan” ayaa mar kale lagu yiri wareegtada.

Lama sheegin sababta rasmiga ah ee xilka looga qaaday guddoomiyihii hore ee maamulka gobolka Hiiraan Mudane Cabdullahi Maalin Sufurow oo xilkan soo hayay  tan iyo bishii Juun ee sanad kii hore 2023, markaas oo uu badalay Cali Jeyte Cismaan.

Sufurow ayaa muddaba la tacaalayay mucaaradad xoog leh oo kaga imaanaysay qaar kamid ah siyaasiyiinta gobolka, oo uu kamid yahay Cali Jeyte oo diiday in uu xilka ku wareejiyo markii la soo magacaabay.

Dhawaan ayay ahayd markii Beledweyne laga saaray maamulkii taageersanaa HirShabeele, kaddib markii uu dagaal culus la galay maamulka kale ee la baxay ‘Hiiraan State’.

Si kastaba, Khilaafka ka jira Hiiran ayaa in mudda ahba soo taagnaa, waxana waxgaradka deegaanku saluug san yihiin habka awood qaybsiga ee maamulka Hirshabeelle.