Amarkii ugu dambeeyay oo la siiyay ciidanka ku sugan Shabellaha Hoose + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidanka dhulka ee Xoogga dalka Soomaaliyeed, Jeneraal Datax Cabdi Cabdulle oo haatan ku sugan gobolka Shabeelaha Hoose ayaa booqasho ku tegay Xerada Arbacow oo ku taalla duleedka Muqdisho.

Ujeedka safarka Dayax ayaa isugu jiray kormeer iyo dhiirogelin uu ugu tegay cutubyo ka tirsan Ciidanbka Xoogga dalka ee ku sugan halkaasi.

Taliyaha ayaa amray ciidamada ku jira xeradaas inay tegaan furimaha hore ee dagaalka, ayna sare u qaadaan howlgallada ka socda gobolkada Shabeelaha Hoose.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in looga fadhiyo inay kaalin mug leh ka qaataan dagaalka lagula jiro Al-Shabaab, si looga ciribtiro gobolkaasi oo dhan.

Jeneraal Dayax Cabdi Cabdulle iyo Taliyaha qeybta guud ee booliska gobolka Banaadir G/Sare Macalin Mahdi ayaa shalay sidaan oo kale u booqday deegaanka Dhanaane ee, iyagoo ciidamada qaranka ku amaanay sida ay ugu jilib dhigeen cadowga Khawaarijta ah.

Saraakiishaan ayaa soo kormeeray goobihi  cashirka loogu dhigay Al-Shabaab, waxayna saraakiisha iyo ciidanka  ku dhiirigeliyeen inay sii wadaan howlgalladooda.

Shabeelaha Hoose ayaa kamid ah meelaha uu ka socdo dagaalka Al-Shabaab, waxaana kooxda ay weli haysataa deegaano ka tirsan gobolkan oo ay kasoo abaabusho weeraro.

Inta badan weerarada Al-Shabaab ayaa lagu beegsadaa xarumaha ciidamada, waxaana sidoo kale mararka qaarkood ay weeraradooda usoo gudbaan magaalada Muqdisho.