Guddoomiyihii hore ee BF oo maanta shaqada golaha ku wareejiyay guddoomiyaha cusub

Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddoomiyaha Cusub ee Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa maanta si rasmi ah ula wareegay xilka Guddoomiyaha Golaha sahacabka ee Soomaaliya.

Munaasabad maanta ka dhacday xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho uu xilka uu kala wareegay Guddoomiyihii ka horeeyay ee Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, kaas 12 bishii hore ku dhawaaqay in uu iska casilay xilka guddoomiyaha Golaha shacabka kadib khilaaf ka dhashay Mooshin asaga laga gudbiyey.

Sedax maalin ka hor ayey aheed markii doorasho ka dhacday xarunta Golaha Shacabka lagu doortay Guddoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan.

Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Jawaari ayaa mar uu hadlayay wuxuu soo hadal qaaday arimo ku aadan xaditaanka dastuurka qabyada ah ee Soomaaliya, wuxuuna tilmaamay in aan la xadin Dastuurka Soomaaliya.

Maxamed Mursal ayaa sheegay in Jawaari uu baarlamaanka soo maamulay xilli aad u adag oo ay wajahayeen caqabado badan isaga oo intaas ku daray in shaqada uu soo qabtay uu ku tilmaami karo naf hurnimo.

Waxaa uu Guddoomiyaha cusub ballan qaaday in uu talo weydiisanayo Guddoomiyihii isaga ka horreeyay sidoo kalena uu meel isugu keenayo dadka la soo shaqeeyay Guddoomiye Jawaari ee Maamulka Baarlamaanka.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

CaasimadaQ@live.com