Aqriso: BF oo guddi u saaray baaritaanka miisaaniyadda dowladdii hore + Magacyada

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta u saaray Guddi baaritaan ku sameeya xisaab xirkii Miisaaniyadda afartii sano ee la soo dhaafay oo aan la horkeenin Labada Gole ee Baarlamaanka.

Guddiga cusub ayaa sidoo kale waxay ka shaqeyn doonaan si loo ogaado cida leh mas’uuliyadda arrintaas sida Wasaaradda Maaliyadda iyo Guddoonkii hore ee Golaha Shacabka, inkasta oo uu ku adkaystay Wasiirka Maaliyadda inuu soo gudbiyay xisaab-xirka afartii sano ee dowladdii hore.

Guddigaan oo ka kooban 7 xubnood, oo shan kamid ah yihiin Xildhibaano iyo Labo Senator, kuwaasi oo kala ah;

1. Xildhibaan Saciid Maxamed Cali
2. Xildhiban Maxamuud Cabdiraxmaan Beenebeene
3. Xildhiban Cabdiraxmaan Cadde Cabdow
4. Xildhibaan Enjineer Saadaq
5. Xildhibaan Cabdiqafaar Xaange
6. Senator Saciid Cawke
7. Sentor Cabdixakiin Maalin

Magacaabista guddigaan ayaa imaneysa ayada oo maanta Labada Aqal ee Baarlamaanka ay meel-mariyeen Miisaaniyadda sanadka 2022-ka, kaddib saddex maalmood oo dood adag ka socotay, waxaana warbixinta ay soo gudbiyeen Guddiga KMG Maaliyadda ee loo saaray Miisaaniyadda ku jirtay talo soo jeedin ku saabsan in dib u eegis lagu sameyn karo.

Xildhibaanada ayaa waxay 3-dii maalmood ee lasoo dhaafay dood adag ka yeesheen arrimaha la xiriira miisaaniyadda dowladda ee sanadkaan 2022-ka, taasi oo ay maanta Haa ugu codeeyen 204 Xildhibaan.

Wasiir Bayle ayaa wajahay su’aalo adag oo ku saabsan hanaanka maaliyadeed ee dalka, kuwaas oo labadii maalmood ee lasoo dhaafay uga imaanayey xubnaha labada Aqal ee baarlamaanka.

Arrinta ugu weyn ee lagu heysto wasiirka maaliyadda waa xisaab xir la’aan jirtay tan iyo sanadkii 2018-kii iyo in wasiirku uu kala cadey la’yahay in deeqaha uu caalamku siiyo Soomaaliya ay deyn yihiin iyo in kale.