Guddoonka BF oo war ka soo saaray dagaalkii maanta ka dhacay Af-Barwaaqo

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha shacabka baarlamaanka Soomaaliya, Mahad Cabdalla Cawad ayaa ka hadlay dagaal u dhexeeyey labo maleeshiyo beeleed oo maanta ka dhacay deegaano ka tirsan gobolka Mudug.

Cawad oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook-ga ayaa sheegay in colaada ka soo susboonaatay deegaanada Towfiiq iyo Afbarwaaqo ay tahay mid aan la aqbali karin, wuxuuna ka dalbay guddiga nabadeynta iyo ciidanka xaslinta ee isku dhafka ah inay degdeg u kala dhex galaan maleeshiyaadkaasi oo ka soo jeeda Galmudug iyo Puntland.

“Dagaalka ka soo cusboonaaday Towfiiq iyo Afbarwaaqo waa arrin aan la aqbali karin”. Waxaan ka codsanayaa Guddiga Nabadeynta iyo ciidanka xasilinta ee isku dhafka ah in ay si degdeg ah u kala dhex galaan dadka walaalaha ah ee colaadu dhex martay.” ayuu yiri guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha shacabka baarlamaanka Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay odayaasha dhaqanka inay ku dhawaaqaan xabad joojin rasmi ah, si looga baaqsado inuu sii socdo dagaalkaasi oo geystay khasaare xoogan.

Ugu dambeyn wuxuu guddoomiye Cawad tacsiyeeyey dadkii ku dhintay dagaalkii maanta, isaga oo kuwa dhaawaca ah u rajeeyey caafimaad degdeg ah.

“Waxaan ugu baaqayaa odayaasha dhaqanka in ay si wadajir ah ugu dhawaaqaan xabad joojin degdeg ah iyo in la badbaadiyo maatada dhibaateysan ee ku nool deegaanada dirirtu ka dhacday. Waxaan Ilaahey SWT ka baryayaa in intii dhimatay u naxariisto, inta dhaawaca ahna u boogadhayo” ayuu markale yiri guddoomiye Mahad Cabdalla Cawad.

Xaaladda deegaanadii lagu diriray ayaa weli kacsan, mana jiro wax war ah oo ka soo baxay dhanka maamullada Galmudug iyo Puntland oo ku aadan dagaalkaasi.