Kiiska dilkii Almaas Elman oo laga furayo BF Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa u yeeray wasiirka amniga Soomaalia Maxamed Abuukar Islow Ducaale, si wax looga weydiiyo arrimo la xiriira amniga dalka oo ay ku jirto dilkii Almaas Elman oo 20-kii bishii hore lagu dilay gudaha xerada Xalane ee garoonka Aden Cadde, magaalada Muqidisho.

Almaas Elman ayaa ayada oo saaran baabuur dhex socda xerada Xalane ayaa waxaa ku dhacay xabad aan la aqoon halka ay ka timid, oo weli la baarayo sida la sheegay.

Xildhibaanno ka tirsan golaha oo mooshinka ka keenay wasiir Ducaale a si wax looga weydiiyo dilka Almaas, oo sidoo kale heysatay dhalashada Canada, ayaa diyaariyey weydiimo arrimahaasi la xiriira.

Lama oga in qoyska Elman ay fadhiga iman-doonaan iyo in kale, hase yeeshee waxay horey u dalbadeen in Soomaaliya iyo Canada ay baaritaan rasmi ah oo cad ku sabaysan dilak Almaas.

“Waxaannu jeclaan lahayn in dilkii Almaas si buuxda loo baaro, waxaannuna codsanaynaa in ay dawladaha Soomaaliya iyo Canada si wadajir ah oo qoto dheer arrintan u baaraan, maadaama ay laheyd labada dhalasho ee labada dal.” Ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay qoyska.

Wasiir amniga qaranka Maxamed Abuukar Islow Ducaale ayaa lagu war-geliyey inuu axadda hor-yimaado golaha shacabka.

24-kii bishii hore, wasiirka amniga gudaha Maxamed Abukar Islow oo ay la socdeen Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya Cabdi Xasan Maxamed Xijaar iyo Taliyaha hay’adda Socdaalka Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi)  ayaa lagu diiday warbixin ay siin rabeen guddiga joogtada ah ee golaha shacabka iyada oo loo ballamiyey kulanka weyn.

Almaas ayaa horey u ahayd xoghayahii koowaad ee safaaradda Soomaaliya ee Kenya, waxayna hadda ka  tirsanryd hey’adda Elman.

Almaas ayaa la dhalatay Ilwad Elman oo ka tirsan QM, iyo Iman Elman oo ah sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.