Dagaal dhex-qarxay laba maleeshiyo oo Puntland iyo Galmudug kasoo kala jeeda

Gaalkacyo (Caasimadda Online) – Wararka naga soo gaaraya Gobolka Mudug ayaa waxaa ay sheegayaan in dagaal u dhexeeyo labo maleeshiyo beeleed uu ka soconayo duleedka degmada jariiban ee gobolka Mudug.

Dagaalka ayaa waxaa uu ka socdaa deegaan lagu magacaabo Ina diideey oo 15 km dhinaca Bari ka xiga deegaanka Afbarwaaqo ee barriga gobalka Mudug, waxaana uu u dhaxeeyey laba maleeshiyo beeleed oo kasoo kala jeeda Maamulada Galmudug iyo Puntland.

Dad ku sugan gobolka Mudug ayaa sheegay in dagaalka oo bilaawday saakay aroortii hore ay ku geeriyoodeen ilaa 8 Ruux halka in ka badan ay ku dhaawacmeen oo labada dhinac ah.

Wararka ayaa sheegaya in dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ay dhammaantood ahayeen kooxihii dagaalamay.

Dadka ku dhaawacmay dagaalka ayaa la soo warinayaa in loo qaaday dhanka magaalada Gaalkacyo ee gobalka Mudug.

Labada maleeshiyo ee dagaalantay ayaa waxaa la sheegay in ay isku heystaan dhul ku yaalla deegaanka lagu dagaalamay, waxaana dagaalkaan uu yahay mid soo laab laabtay.

Ma jiraan weli wax war ah oo ka soo baxay maamulada Puntland iyo Galmudug.

Odayaal iyo waxgarad ayaa ku baaqaya joojinta dagaalka waxaana sidoo kale socda dadaal lagu doonayo in lagu damiyo xiisadda.