Sawirro: Sheekh Shariif iyo James Swan oo ka hadlay saddex qodob oo xasaasi ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran Sheekh Sharif Sheekh Axmed, oo ay wehliyaan qaar ka mid ah xubnaha Madasha, ayaa maanta la kulmay ergeyga gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya James Swan.

Sida xubno ka tirsan Madasha ay u sheegeen Caasimada Online, wada-hadalladan ayaa looga hadlay xaaladda Soomaaliya ee iminka, waxaana diiraddda lagu saaray saddex qodob oo muhiim ah oo kala ah:-

1 – Helitaanka doorasho xor iyo xalaal ah, islamarkaana la isla ogolyahay oo ka dhacday Soomaaliya.

2 – Wada-hadallo dhab ah oo dhex-mara saamileyda siyaasadda Soomaaliya oo ay ka mid yihiin maamul goboleedyada, xisbiyada iyo dowladda.

3 – Joojinta faro-gelinta ciidamada Ethiopia ay ku hayaan arrimaha gudaha Soomaaliya, ayaga oo taageeraya Villa Somalia.

Kulankan ayaa imanaya ayada  Sheekh Shariif Sheekh Axmed, oo ay wehliyaan xubno ka tirsan Madasha, uu sidoo kale 1-dii ishan kulan la qaatay safiirka Dowladda Mareykanka u fadhiya Soomaaliya Donald Yamamoto.

Beesha caalamka ayaa maalmihii ugu dambeeyey sare u qaaday kulmada iyo wada-tashiyada ay la yeelaneyso xisbiyada siyaasadda dalka, xilli aad looga walaacsan yahay in madaxweyne Farmaajo uu isku dayayo inuu waqtiga kororsado.

Madaxweynaha ayaa la sheegay inuu ku dheggan yahay qabashada doorasho qof iyo cod ah, oo uu ogyahay in dalka aysan iminka ka dhici karin, balse ujeedku yahay in waqti lagu lumiyo si dowladdiisa u hesho muddo kordhin.