68 xildhibaan oo taageersanaa XASAN Sheekh oo mowqif cusub lasoo baxay

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar ka tirsan xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ee horey u taageersanaa madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Kutlad cusub ku doortay magaalada Muqdishu.

Xildhibaanadaan, ayaa waxay ku kulmeen Hotel Naasa Hablood II, waxaana ka soo muuqday Xildhibaano ay ka mid yihiin C/laahi Goodax Barre, C/raxmaan Xoosh Jibriil, Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan, Ubax Tahliil Warsame iyo inta badan haweenka ka tirsan Baarlamaanka Somaliya.

Xildhibaanadu waxay si weyn kaga biyo diideen magacaabidda Golaha Wasiirada ee 12-kii bishaan, uu magacaabay Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federalka Somaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, waxayna shacabka ka balanqaadeen inaanay aqbali doonin.

Gaba gabadii kulanka, ayaa waxaa Saxaafadda la hadlay Xildhibaan Maxamed Xasan Aadan, isagoona si kulul Warbaahinta kaga sheegay inaanay marnaba codka kalsoonida siin doonin, sida uu hadalka u dhigay.

“Dowladdaan uu hadda soo dhisay Ra’iisal Wasaare Cumar C/rashiid maaha Dowlad wadaag ah. Waa Dowlad ay hal dhinac oo kaliya ka wada muuqdaan.” Ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Xasan Aadan.

Sidoo kale wuxuu yiri “Markii uu Dowladdaan soo dhisay Ra’iisal Wasaaraha dalka dhan qal-qal buu galay, shacabka aad iyo aad ayay ula yaaban yihiin. Waana wax u cuntani la’ dadka oo dhan.”

Xildhibaanka, ayaa markale yiri “Ra’iisal Wasaaruhu wuxuu iska indho tiray baaqii aan u jeedineynay, naga lama tashan markii uu Dowladdaan ku dhawaaqaayay.”

Wuxuu sii raaciyay “Shacabka ayaa anaga matalnaa, waxaana idin balanqaadeynaa inaanan codka kalsoona siin doonin, marka la horkeeno Baarlamaanka. Meeshii laga keenay ayaan ku celin doonaa.”

Kutladda Toosinta Talada Qaranka oo tiradooda ku sheegay 68 Xildhibaan, kana soo horjeeda siyaasadda XAsan Sheekh, ayaa iska dhex doortay gudi toban qof ah waxaa ka mid ah:

Cabdulahi Goodax Barre: Gudoomiye

Fowsiyo Yusuf Xaaji Aadan: Gudoomiye Ku Xigeen

Maxamud Cabdi Xasan Beekoow: Gudoomiye Ku Xigeen.

Cabdi Raxman Xoosh Jibril: Afhayeen

Tahliil Cabdi Maxamed: Xogheyn

Kutladan ka kooban 68-ka xildhibaan, ayaa waxaa ka horreeyey kutlad kale oo iyana ka kooban 80 xildhibaan, taasi macnaheedu yhay in 148 xildhibaan ay kasoo horjeedaan kooxda Damu-Jadiid.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com