Guddiga Farsamada Koonfur Galbeed oo si cajiib uga jawaabay go’aankii DF

Muqdisho (Caasimada Online) – War kasoo baxay Gudiga Farsamada ee ku howlan dhismaha maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxaa looga hadlay hadal si wadajir ah uga soo wada baxay Madaxda dalka kaasi oo ku aadanaa hakinta Shirka maamulka loogu dhisaayo.

Warkaani kasoo baxay Maamulka Koonfur Galbeed, ayaa waxaa ku saxiixnaa Gudoomiyaha gudiga Farsamada Maxamed Xasan Fiqi, waxa uuna sheegay in qoraalkii kasoo baxay Madaxda Qaranka uusan haba yaraatee saameyn ku yeelan doonin, howlaha ku aadan dhismaha maamulka Koonfur Galbeed.

Warqadaan ku aadan hakinta shirkaan ku saabsan dhismaha maamulka Koonfur Galbeed ayuu sheegay in aysan ahayn mid iyaga si gaar ah loo soo gaarsiiyay, sidoo kalena ay tahay mid warbaahinta ay ka arkeen.

Nuqul kamid ah hadalka Mas’uulkaani ayaa ahaa “Waxaan u cadeyneynaa madaxda sare ee dowladda Soomaaliya, iyo beesha caalamka in warqadan aysan noo soo gaarin si gaar ah, sharciyo badanna ay ka maqan yihiin, madaxda dowladda waxaan ka codsaneynaa hadii uu go’aankooda kan yahay in ay warqad cad oo si toos ah noogu soo sheegaan, ama ay warqadaan ka akhriyaan warbaahinta dalka, inta ka horeysa wax hakan doono ma lahan, anaguna ilaa dowladda amarkeeda rasmiga ah la helo, howsha wey socon doontaan”

Dhanka kale, Gudoomiyaha gudiga Farsamada, ayaa waxa uu Tilmaamay in Haddalkaani uu yahay mid ay si wada jir ah usoo wada saareen Gudiga Farsamada, waxa uuna carabka ku dhuftay in amarka madaxda aysan shaqo ku laheyn.

Maalmo ka hor ayay aheyn markii madaxda sare ee dowladda Soomaaliya soo saareyn, warqad ay ku amrayaan in gabi ahaanba la hakiyo shirka lagu dhisaayo maamulka Koonfur Galbeed ee ka socday magaalada Baydhaba.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com