“MEYD waxa uu mudan yahay XABAAL xukuumadana waa sidaas” Waxaa yiri..

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo kamid ah Xildhibaanada taageersan Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in Xukuumada C/Weli ay noqotay howlgab loona baahan yahay in is bedel lagu sameeyo.

Jeesow ayaa waxa uu shaaciyey in Xildhibaanada kasoo horjeeda Mooshinka aysan u istaagi doonin islamarkaana ay ka miro dhalin doonaan Mooshinada ay ku ridayaan Xukuumada R/W C/Weli Sheekh.

Xildhibaan Daahir waxa uu yiri “Ma dhici karto in Xildhibaanada ay hor istaagan Mooshinka waayo Xukuumadu waxa ay lamid tahay Meyd xabaal u baahan, insha allaah waana ka miro dhalin doona in Mooshinka aan ku ridno C/weli”

Isaga oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu yiri ” Labaatan qof oo taageersan R/W C/weli adeer kursiga kuma celin karaan, weyna naga go’an tahay inaan tuurno C/weli sheekh”

Xildhibaan Jeesow ayaa waxa uu sidoo kale Xildhibaanada ugu baaqay inay gutaan waajibaadkooda oo aysan taageerin Xukuumada R/W C/weli oo uu ku tilmaamay inay noqotay mid howsheeda gabtay, sida uu hadalka u dhigay.

Haddalka Jeesow ayaa waxa uu imaanayaa iyadoo ay Xildhibaanada Baarlamaanka laba garab u kala jabeen, taasi oo keentay Khilaafka Xassan iyo C/weli oo noqday mid xadka ka baxay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com