Dhageyso: BEYLE oo ka hadlay shirka Copenhagen iyo saameynta khilaafka

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka arimaha dibada dalka Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle, ayaa u sheegay Wariyeyaasha in saameyn uusan ku yeelan doonin khilaafka madaxda dowladda ka dhex-taagan ka qaybgalka shirka arimaha Soomaaliya looga hadlaayo ee ka dhacaayo Copenhegan ee dalka Netherland.

Beesha caalamka ayaa wallaac xoogan ka muujisay khilaafka madaxda dowladda udhaxeeya, xilli shalay War kasoo baxay Wasaarada Arimaha dibada dalka Mareykanka si cad loogu sheegay in Mareykanka uusan ka qaybgali doonin shirka arimaha New Deal looga hadlaayo ee Copenhegan ka dhici doono, sababo Mareykanka uu sheegay khilaafka dartiis.

C/raxmaan Ducaale Beyle Wasiirka arimaha dibada Soomaaliya ayaa sheegaya in Soomaaliya ay tahay hal qaran oo leh hal calan, iyaga oo sidaasi isugu duubana shirkaasi ay ka qaybgalayaa, oo labada masuul khilaafka ka dhaxeeysa uusan saameyn doonin shirka.

Khilaafka madaxda dowladda u dhaxeeya ayaa sii cuslaaday, markii xaalada ay gaartay in xubno Baarlamaanka kamid ah ay mooshin gudbiyeen, mana muuqato tanaasul ay sameynayaan labada masuul ee is haysata iyaga oo eegaya danta qaranka Soomaaliyeed iyo midda Umadda ay u dhaarteen inay hogaan wanaagsan u noqon doonaan.