Xildhibaan la sheegay in diinta Islaam-ka uu aflgaadeeyey oo ku dhowaaqay..

Garoowe (Caasimada Online) – Xildhibaan Xasan Xaange Maxamed oo muddo lix sano ah kusoo jirey Baarlamaanka Puntland ayaa shalay golaha hortiisa ka shaaciyey inuu xilkaas iska casiley, xilli ay jiraan eedeymo ku saabsan inuu diinta Islaamka u gefey..

Xildhibaanku wuxuu is casilaadiisa u sababeeyey arimo caafimaad iyadoo markii dambena cod gacan taag ah loo qaaday in baarlamaanku is casilaadiisa aqbalay iyo in kale.

Sida qaar kamid ah xildhibaanada Baarlamaanku sheegeen, waxay dhammaan xildhibaanadii fadhiga maanta soo xaadiray aqbaleen istiqaalada uu keenay Xasan Xaange marka laga reebo hal xildhibaan oo ka aamusay.

Warar madax banana, ayaa tibaaxaya in Xildhibaan Xasan Xaange ka tanaasuley xubinimadiisa baarlamaanka, kadib markii uu ka warhelay mooshin isaga ka dhan oo qaar kamid ah xildhibaanada baarlamaanku todobaadyadii u dambeeyey wadeen iyo weliba dacwad loo gudbiyey xeer ilaalinta maxkamadda sare.

Xasan Xaange
Xasan Xaange

Xildhibaanada mooshinkaas soo abaabulay ayaa ku doodaya in Xasan Xaange mudneyn inuu Golaha Wakiillada Putland kasii mid ahaado, maadaama sida ay sheegeen uu ku xadgudbay xurmada diinta Islaamka.

Bishii August ee lasoo dhaafay dabayaaqadeedii waxaa Xildhibaan Xaange lagu soo eedeeyey inuu diinta caayey kadib markii xarunta baarlamaanka dhexdeeda isaga iyo xildhibaan kale isku maan dhaafeen.

Maalin kadib markii warkaasi soo baxay oo ku beegnayd [Jimce, August 29, 2014] masaajida magaalada Garowe qaarkood ayaa khudbada Jimcaha kusoo qaatay eedeynta loosoo jeediyey xildhibaanka.

Xaange oo shir-jaraa’id qabtay [Sabti, August 30, 2014] wuxuu gebi ahaanba iska fogeeyey eedeynta loosoo jeediyey isagoo sheegay inay tahay mu’aamarad isaga ka dhan ah oo dabada ka riixayaan shaqsiyaad cadaawad gaar ah u haya waa sida uu hadalka u dhigaye.

Xildhibaanka is casilay oo lixdii sano ee ugu dambeeyey kamid ahaa Golaha Baarlamaanka Puntland wuxuu baarlamaanka kasoo galay gobolka Mudug.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
Caasimada@live.com