Xog: Xildhibaannada BF oo dilal isugu hanjabay iyo qaar ka guuray guryihii

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada ka tirsan Golaha Baarlamaanka Somalia ayaa bilaabay inay isaga cararaan guryahooda Muqdisho, kadib markii ay walaac ka muujiyeen beegsiga lagu hayo.

Mid kamid ah Xildhibaanada ayaa sheegay in isaga iyo asxaabtiisa ay ka carareen hooygooda islamarkaana ay dageen hoteelada, sababo walaac ka heysta dhanka ammaanka.

Sidoo kale, waxa uu sheegay in badi Xildhibaanada ay soo foodsaartay cabsi ku saabsan in khilaafka Xasan iyo Cabdi Weli uu meel xun gaaray, ayada oo xildhibaanada ay gaareen heer ay isugu hanjabaan dil.

“Markaad joogto Soomaaliya cidna ma aamini kartid, waana inaad dhab u qaadataa hanjabaad kasta” ayuu yiri xildhibaanka.

Dhanka kale, waxa uu Xildhibaanada dhigiisa ah ugu baaqay inay sugaan ammaankooda islamarkaana ay il gaar ah isaga eegan dhinacyada lidka ku ah Ammaanka Xildhibaanada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com