BRITAIN oo mar kale war kasoo saartay khilaafka Xasan Sheekh iyo Cabdi Weli

Muqdisho(Caasimada Online) – War qoraal ah oo kasoo baxay xafiiska wasaarada arimaha dibada UK iyo xafiiska barwaaqa sooranka, dowlada Ingiriiska ayaa aad kaga walaacsan xaaladaha siyaasadeed ee haatan ka jira dalka Soomaaliya.

Dowlada Ingiriiska ayaa ugu horeyn ugu baaqday kana dalbatay masuuliyiinta dowlada ee is qilaafsan inay xaliyaan kala duwanaanshahooda dhanka siyaasada iyadoo la marayo habka siyaasada ah.

Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay inay aad kaga walaacsan yihiin dhibaatada ka dhalan karta Isfahan la’aanta siyaaseed ee u dhaxeysa madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

“Ingiriiska aad ayuu kala walwalsan yahay deganaan la’aanta siyaasadeed oo Qatar ku ah horumarkii ugu dambeeyay ee la gaaray, ee dhanka amaanka iyo horumarka, waqtiga wuu yar yahay si loo gaaro hamiga sanadka 2016”.

“Hamiga 2016 oo ay ku jiraan doorasho la qabto sanadkaasi, sidaasi daradeed waxaana dhinacyada Soomaalida ka dalbaneynaa inay xaliyaan kala duwanaanshahooda iyadoo la marayo hab siyaasadeed, oo ay ku jiraan ixtiraamka habka baarlamaanka, loona midoobayo danaha Soomaaliyeed”sidaasi ayaa lagu yiri qoraalka dowlada Uk.

Sidoo kale dowlada Ingiriiska ayaa sheegtay inay dadaal dheeraad ah u galayso sidii ay usii kordhin laheyd taageerada dowlada Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Wararka Muqdisho
Caasimada@live.com