Jawaari oo Xasan iyo C/Weli u sheegay in beesha caalamka ay ugu hanjabtay..

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyaha Baarlamaanka Somalia Maxamed Cusman Jawaari ayaa kulan aan caadi aheyn  la qaatay Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul wasaare Cabdi Weli Sheekh Axmed.

Jawaari ayaa la sheegayaa in labada mas’uul uu kala hadlay arrimaha khuseeya Khilaafka iyo sida xal waara looga gaari lahaa ka hor inta aysan Beesha caalamka kusii fogaan fara-galinta Khilaafka.

Sidoo kale, Jawaari ayaa waxa uu Labada Mas’uul ka codsaday inay isku tanaasulaan, islamarkaana ay Beesha caalamka tusaan Ifafaalooyin muujinaaya in Khilaafka uu meesha ka baxay, loona baahan yahay in la dhameystiro qodobada kale ee harsan, hayeeshee labada Mas’uul ayaa la sheegayaa in xal raadinta Jawaari ay madaxa ka ruxeen, iyagoo midba midka kale uga shakisan in Jawaari uu taagersan yahay kan kale.

Warar hoose ayaa sheegaya in Jawaari uu Xssan Sheekh ku wargaliyay in Beesha Caalamka ay ugu goodisay hadii uu aqbalo Mooshinka laga keenay Ra’iisul wasaare Cabdi Weli,ee shalay la horgeeyey baarlamanka uu isna raaci dooni, xilkiisana weyn doono.

Jawaari waxa uu u sheegay in hanjabaadda beesha caalamka uusan u joojin mooshinka, sababta oo ah xildhibaanada xaq bay u lee yihiin inay mooshin keenaan, balse xalka waxa uu ku jiraa buu yiri inay is-fahmaan Xasan iyo Cabdi Weli.

Xogtaani ayaa waxaa laga soo xigtay Xildhibaano la kulmay Gudoomiye Jawaari oo naga codsaday magacyadooda inaan la xusin, waxayna caddeeyeen in Gudoomiyaha Baarlamaanka in loogu hanjabay, isaga iyo Madaxweyne Xasan inay xilka weynayaan,hadii ay dhacdo inuu Mooshinka Xildhibaanadda ka keenaan Reysal wasaaraha cod loo qaado.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com