Xasan Sheekh oo laga soo horjeestay & Cabdi Welli oo la taageeray kaddib….

Garbahaarey(Caasimada Online)- Banaanbax looga soo horjeedo mooshinka ay keeneen xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ee Taageersan Xasan Sheikh Maxamuud ayaa maanta ka dhacay degmada Garbahaarey ee gobolka Gedo.

Dadka banaanbaxa dhigayay ayaa waxay ka kala yimaadeen xaafadaha degmada Garbahaarey ee gobolka Gedo, waxayna ka koobnaayeen qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan degmadaasi.

Dadka banaanbaxa dhigayay ayaa ka dalbaday madaxweynaha dalka Soomaaliya inuu taageero isku shaandheynta uu sameeyay ra’iisul wasaaraha dalka Soomaaliya.

Sidoo kale dadka banaanbaxa dhigaya ayaa sheegay inay wanaagsan tahay in xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ay ka laabtaan mooshinka laga gudbiyay ra’iisul wasaaraha dalka Soomaaliya.

Dhamaantood waxay taageersanaayeen ra’iisul wasaaraha dalka Soomaaliya, waxayna kasoo horjeedeen madaxweynaha dalka Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Wararka Muqdisho
Caasimada@live.com